|

Bariiska oo laga helay arsenic saaid ah (Warbixin)

New York Sept 19,2012(SDN)-Cunida baariiska maalintii mar waxa uu kor u qaadayaa heerka arsenic jirkaaga,sida lagu sheegay warbixin dhawaan ay daabacday  barta Internetka ee Consumer Report ka dib baaritaan dheer.

Baaritaanka ayaa eegtay raashin iyo sharaab kala duwan oo laga sameeyo noocyada kala duwan ee Bariiska,waxaana soo baxday in cunida bariisku ay 44% ay kor u qaado heerka arsenicga ee jirka.

Sida ay sheegeyso Xarunta maareyta Cudurada (Center for diseases Control) Arsenigu waxa uu kordhiyaa suurtagalnimada in dadku qaadaan cudurada Cancerka ku dhaca sanbabada,beerka iyo kaadihesta.

Urvashi Rangan oo hogaamiyay baaritaanka ay Consumer Report ku sameysay Bariiska ayaa shegay in u jeedada baaritaanka iyo digniintoodu aaney aheyn in ay dadka baqe geliyaan,balse ay xogta un u soo gudbinayaan si markaa ay u qaataan goaano xaqiiq ku saleysay.

Warbixintu waxa ay tibaaxday in bariiska cadi uu ka arsenic hooseeyo midabada kale ee ka baxa khaasatan Mareykanaka.

Beeraleyda Bariiska ayaa ku adkeystay in bariiska hore loogu sheegay in uu ka mid yahay raashiinka ugu nafaqada badan isla markaana aaney ka warheyn wax dhibaato ah oo uu bulshada u leeyahay.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed