Baraf Aan Caadi ahayn Iyo Dabaylo Xoogan oo laga dareemay Bariga Maraykanka
Washington 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Washington DC iyo gobollada bari ee Maraykanka waxaa ka da’aya baraf dabeylo wata oo la sheegay inuu socon doono ilaa 30 saacadood ee soo socda.
Lix gobol oo ku yaalla dhinaca bari ayaa lagu dhawaaqay xaalad deg-deg ah, waxaana dadka lagu amray inaysan guryaha ka soo bixin.
Barafka ayaa saameynayaa in kabadan 80 malyuun oo Maraykanka ah oo degan gobollada bari.
Ciidamada ilaalada qaranka ayaa heegan la galiyay si ay gacan u siiyaan hay’addaha gurmadka ee dowladdaha hoose.
Magaalada Washington waxaa la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee basaska, waxaana xalay sidoo kale joogsanaya tareennada.
Saraakiisha dhinaca cimilada ayaa sheegaya in barafkan da’aya uu koronto la’aan dhigo dad badan.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa joojiyay kumannaankun oo duulimaadyo ah oo ka baxayay ama imanayay garoomada diyaaradaha ee ku yaalla, Washington DC, Baltimore, Philadelphia iyo garoomo kale.