Baqe-carar Ka Taagan Madaxtooyada Somaliland, Gawaadhidii Ciidanka Ilaalada Oo Dhammaantood Caawa Dibadda Loo Soo Saaray iyo Baadhitaan Ka Dhex Socda Gudaha Aqalka Madaxweynaha
Hargeysa:21-Feb-2013(SDN)-Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa caawa xaalad Adagi ka Taagan Tahay, waxana Heegan Buuxa La Geliyey Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, iyadoo Baabuurta Gaashaman Ee Madaxtooyadana lagu Gooyey Albaabada laga Gala Madaxtooyada.
Inta Badan Gaadiida Qoryuhu saaran yihiin ee Madaxtooyada, ayaa dhammantooda dibadda loo soo Saaray, waxana Si weyn loo Dhoobay Waddooyinka u dhaw Aqalka, iyadoo Ciidamo Tiro bandanna Caawa lagu arkayo Hareeraha Goobta looga Taliyo Somaliland.
Sidoo kale waxa Baadhitaano laga Dhex wadaa Gudaha Aqalka, iyadoo Ciidamo Si Gaar ah wax u baadha la Keenay, waxana SI Weyn loo sugayaa ammaanka Guud ee Guriga Madaxtooyada.
War faahfaahsan lagama soo Saarin Sababta keentay Salbabakha ka Muuqda Aqalka Madaxtooyada iyo kala Shakiga ku yimi, balse waxa si weyn loola Socdaa Weerarkii Maanta ay kooxaha Alshabaabku ku qaadeen Guriga Looga Taliyo Somalia oo tiro Dad ahi ku dhinteen.
Dhinaca kale Dhammaan Waddooyinka hor mara Aqalka madaxtooyada Somaliland, ayaa caawa Wada Xidhan, waxana Waddooyinka qaarkood lagu Gooyey Baabuurta Qoryuhu saaran yihiin ee Madaxtooyadu gaarka u leedahay.
Shacabka ayaa Caawa Fiidkii ku War helay Baabuurta Gaasham ee Waddooyinka Loo Soo Saaray iyo Jawiga cusub ee Madaxtooyadu ku jirto, waxana si weyn arrimahaas looga Hadal Hayaa Gaadiidka Dadweynuhu raacaan ee Basaska loo Yaqaano.
Argagaxan Caawa ka muuqda Madaxtooyada Somaliland, ayaa ku soo Beegamaya xilli Kooxda Alshabaab ay Weerar si weyn loo Qorsheeyey ku qaaday madaxtooyada Somalia oo aan illaa iyo Haatan warar Madax Bannaan laga Haynin.
S.D.N