Bannaanbaxyo Lagu Diidan yahay Warashado Nuclear Oo Turkigu Samaysanayo Oo Ka Dhacay Magaalooyinka Dalkaas
Stanbul:April,15,2015(SDN/QJ)-Kadib markii ay Xukuumadda Waddanka Turkigu shaacisay inay Hirgelinayso Warshad Awoodda Nuclear-ka ku shaqaysa oo Koronto laga dhalinayo.
Mudaharaaddadan, ayaa waxa hoggaaminaya Ururrada deegaanka u ol’oleeya ee dalkaas, waxana ay diidan yihiin warshaddan oo ay sheegeen inay deegaanka si ba’an u waxyeelaynayso.
Mudaaharaadayaashu waxa ay isku dayeen in ay masuuliyiinta ka hor istaagaan goobta dhagaxdhiga, balse waxaa lagu kala eryay biyo kulul.
Warshadaas oo ay ku kacayso labaatan bilyan oo doolar, oo laga dhisayo gobolka bariga ku yaala ee Mersin, waxaa dhisi doona shirkadda Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.
Waxa ay qayb ka tahay saddex warshadood oo koronto ka dhalinaya Nukliyeer, kuwaas oo looga gol leeyahay in Turkigu uu ku yareeyo ku tiirsanaanta Korontada uu soo iibsado.
Laakiin qolyaha dhaliishan waxa ay sheegayaan in ay goobtaasi ay tahay meel u nugul dhulgariir, ayna ku badanyihiin duurjoogta iyo waxyaabo badan oo muhiim u ah Quruxda Deegaanka.
SDN/QJ