Bankiga adduunka oo bogaadiyay Hufnaanta Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka Somalia
Muqdisho 10.Nov 2015 (SDN/QJ):-Bankiga adduunka ayaa bogaadiyay isla markaana ammaanay horumarka iyo hufnaanta Nidaamka maaliyaddeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka, waxaana sidoo kale kulanka joogay khubaro iyo saraakiil sare sare oo ka socotay Bankiga adduunka (World Bank).
Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin uu diyaariyay Bankiga adduunka taasoo cabireysay nidaaamka maaliyadda dalka, waxaana lagu xusay in saddexdii sano ee ugu dambeysay Soomaaliya ay gaartay horumar baaxad leh oo dhanka amniga, dib u dhiska, iyo hagaajinta hay’addaha ku shaqada leh maaliyadda, waxaana lagu xusay in loo baahan yahay sharciyo loo dejiyo nidaamka dhaqaalaha guud ahaan dalka, si loo helo maalgelin shisheeye iyo tayeynta nidaamka ganacsiga dalka iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay oo haatan ku shaqeeya xaalad adag.
Bella Bird oo ah u qeybsanaha Bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gaartay horumar muuqda, loona baahan yahay in la sii wado, waxayna tilmaantay in nabadda iyo xasilinta dalka ay qeyb weyn ka qaadan karto, dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha “Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka, waxa uu sameeyay horumar baaxad leh, waxaana loo baahan yahay inay abuuraan fursado shaqo oo dhalinyarada ah” ayay tiri Bella Bird.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh oo goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyey warbixintan uu soo bandhigay Bankiga adduunka, isaga oo xusay in xukuumada Federaalku ku dadaashay sidii loo heli lahaa nidaam Hufan oo maaliyadeed.
“Xukuumadu waxay ku dadaashay yareynta kharashaadkii bixi jiray, isla markaana ay kordhiso dakhliga gudaha, waxaana jira horumar dhan walba leh oo amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo dhanka kale tilmaamay in muhiimad gaar ah ay u leedahay shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada, si loo yareeyo qatarta ay ku duufsadaan dhalinyarada kooxaha argagixisada ah.