Banka Dahabshiil ee Jabuuti oo haawanaya in la xirona qarka u saaran
Jabuti Aug 18,2012(SDN)-Banka Dahabshiil ee xaruntiisu tahay dalka Jabuuti oo haatan mudo dhawr sanadooda furaa ayaan u hawlgelin sidii shirkadu ay filaysay kolkii la unkayay ka dib kolkii macaamiil ku soo hirato la waayay.
Shirkada Dahabshiil oo ah xawaalada Soomaalida ugu balaaran ayaa is balaarin ay sameysay waxa ay ku furatay dhawr shirkadood oo sidii la filayay aan ula jaan qaadin suuqyada ganacsi ee dalka.
Banka iyo shirkada isgaarsiinta Somtel ayaa labaduba in aaney suurto gal aheyn in ay isbixiyaan,haatana waxa ay labaduba culeys dhaqaale ku hayaan xawaalada.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw shaqale Banka Dahabshiil u shaqeynayay kolkii la furay banka ayaan leheyn macaamiil boqolaal ka badan
Shaqaalaha oo qaar badan oo ka mid ahi ay ka tegeen qurbaha ayaa haatan dib ugu soo guryo noqday dalalkii ay ka tegeen ka dib kolkii Banku uu bixin kari waayay mushaharadoodii.
Ilo wareedyadan ayaa walaac ka muujiyay shaqaalaha Banku haatan u qoray hawlihi ay qaban jireen oo ahaa qaar u baahan aqoon ka sareysa ta ay shaqaalaha cusubi leeyihiin.
Banka Dahabshiil ayaa haatan waxa macaamiil yarida u dheer kalsooni yari ka dhalatay weerar dhawaan ay ku qaadeen kooxda Ananomous oo ay ku jabsadeen xogta macaamiishooda.
Isku dayo aanu kula xiriirnay xafiiska Banka ee Jabuuti oo aanu dooneynay in aanu xaaladan wax uga weydiino ayaaney noo suurto gelin ka dib kolkii laga soo jawaabi waayay dalabaadkeenii.
SDN-Jabuti
contact@somalidiasporanews.com