Bangiga Chase ee Kenya oo la Sheegay inuu Laan ka Furanayo Kismaayo
Nairobi 02 Aug (SDN) Warar xog ogaal ah oo aan ka heleyno ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegayo in ay soconayaan dadaallo la doonayo in magaalada Kismaayo looga furo Bankiga Chase ee laga leeyahay dalka Kenya, iyadoona dadaalladani ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo ganacsato Soomaali ah.
Ganacsade kamid ah kuwa reer Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo dhanka ammaanka ayaa inoo sheegay in qorshahan la doonayo in bankiga looga furo Kismaayo ay wado dowladda Kenya oo kaashaneeyso ganacsato isugu jirta Soomaalida Kenya (Somali Suju) iyo kuwa ku dhaqan gobollada Jubooyinka.
Arintan ayaa sida naloo xaqiijiyay waxa ogolaansho looga helay maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ee ka arimiya qeybo ka tirsan Jubooyinka.
“Waxaa kaloo qorshaha kamid ah in la badalo magaca Bankiga oo laga dhigo magac ka duwan kiisa, si looga gado bulshada ku dhaqan Jubooyinka,” ayuu ganacsaduhu hadalkiisii raaciyay.
Dowladda Kenya oo ay imika gobollada jubooyinka uga suganyihiin ciidamo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa dooneeysa in ay saameyn ballaaran ku yeelato arimaha dhaqaalaha gobollada Jubooyinka, waxaana furitaanka bankigani uu noqonayaa mid xad gudub ku noqon kara madaxbanaanida dalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee imika aqoonsiga caalamiga ah heysata ayaan waxba ka ogayn qorshahan, waxaana dastuurka dowladda Soomaaliya uu siweyn uga soo horjeedaa in dalka Soomaaliya ay ka howlgalaan xarumo ganacsi oo aysan ogayn dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya oo iyagu aan markii hore si sharci ah dalka kusoo gelin, waxaana dadka qaar ay aaminsanyihiin in Kenya ay Soomaaliya usoo gashay danaheeda gaarka ah, iyadoona la xusuusanyahay in maraakiib ay leedahay dowladda Kenya ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan xeebaha dalka Soomaaliya iyagoona sheeganaya in ay sugayaan ammaanka badweynta Hindiya.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com