Bangiga Aduunka oo warbixin xasaasiya ka daabacaya beri xukuumada Jabuuti
Jabuuti Dec 06,2011(qurbejoog.com)-Baanka Aduunka ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah uu shaaciyo baaritaano mudo uu si hoose u waday oo ku saabsan sida xukuumada Jabuuti madaxdeedu u maamusho lacagaha dalkaasi.
Baanka ayaa lagu wadaa in uu shaaciyo sida madaxdaasi ugu tagrifasho lacagaha ummadda reer Jabuuti.
Si gaar ah ayay warbixintu u shaacin doontaa goobaha ay madaxda Jabuuti dhigtaan lacagaha ay lunsadaan.
Waxa iyana lagu wadaa in warbixintu xusto sida qeyb ka mid ah xukuumadu ay lacagaha Baananaka Jabuuti u musuqmaasuqaan.
Warbixintan ayaa laga yaabaa in ay ka dhalato xiisad siyaasadeed oo kento cadho dheeri ah.
Dawlada Jabuuti ayaa waxa beryahan danbe saartaa culeys dhaqaale xumo ka dhashay oo gadood sababay.
Qurbejoog-Jabuuti