|

Bandow lagu soo rogay Xagar-dheer iyo Hay’adihii Samafalka oo isaga baxay

Xagar-dheer Dec 21, 2011(qurbejoog.com)- Hay’adaha Samafalka ee ka howlgali jiray Xerada Xagar-dheer ayaa isaga baxay halkaasi , iyadoo dhinaca kale bandow lagu soo rogay Xeradaasi. 

Sida mid ka mid ah dadka ku nool Xerada Xagar-dheer ee Woqooyi Bari dalka Kenya uu xaqiijiyay Website-ka Somalidiasporanews.com, waxaa Xeradaasi isaga huleelay Hay’adaha Samafalka ee ka howlgali jiray Xeradaasi. 

Hay’adaha la sheegay in saameyn ay ku yeelatay ammaan darida sii kordhaysa ee ka jirta Xeradaasi iyo qaraxyada xoogan ee lala beegsanayo Ciidamada booliska dowladda Kenya oo ku sugan Xeradaasi oo mar waliba halkaasi ka bilaabo howlgallo ka dhan ah ammaan darida. 

Goobjooge ku sugan halkaasi ayaa waxaa uu sheegay in Hay’adaha Samafalka ee halkaasi isaga baxay ay si ku meel gaar ah u dageen Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxanaa la tilmaamay in arintaasi ay saameyn ku yeelatay dadkii ku sugnaa halkaasi. 

Dhinaca kale Ciidamada booliska Kenya ayaa Bandow kusoo rogay Xerada Xagar-dheer ee Woqooyi bari dalka Kenya, iyadoo maanta aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ka jira Xeradaasi, waxaana Ciidamada Kenya ay ku wargaliyeen dadka inaysan marna dhaq dhaqaaq ka sameyn karin Xeradaasi oo ammaan dari kusoo korartay. 

“Haa Ciidamada Kenya ayaa Bandow kusoo rogay Xerada Xagar-dheer, cid banaanka aadi karta majirto, xaaladdu way cakirantahay, Hay’adihii samafalka way isaga baxeen, iyagoo ka baqdin qaba qaraxyada, anaga saameyn ayay nagu yeelatay arintaan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka ku sugan Xeradaasi. 

Ciidamada Kenya ayaa qaraxyo badan waxa lagula eegtay Xerada Xagar-dheer ee Woqooyi bari dalkaasi, iyadoo arintaasi ay sameyn ku yeelatay Boqolaal qof oo Soomaali ah oo ku jira Xeradaasi, waxaana la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto Xeradaasi oo iminka uusaaran yahay bandowga.

 

Qurbejoog-Xagardheer

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed