Bandhiga Buugaagta Hargaysa Iyo Xidhiidhka Ka Dhexeeya Ka Garowe
Garoowe , 28 July, 2016-(SDN/QJ):– Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa Shalay Galab qasriga Madaxtooyada Garoowe waxa uu qado sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyey bahda qoraaga Soomaaliyeed oo ay weheliyeen qoraayo shisheeye ah oo ay ka mid yihiin Dr Georgi Kapchits iyo Prof Lidwein.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa bahda qoraaga kusoo dhoweeyey caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe, isla markaana ku amaanay sida ay dedaalka ugu bixiyeen inay soo saaraan buugaag ku qoran afkeena hooyo ee Soomaaliga.
Waxaa sidoo kale qado sharafta ka qayb galay masuuliyiinta machadka cilmi barista ee SIDRA oo uu hogaaminyay agaasimaha machadkaas Guuleed Saalax Barre iyo xubno kale, waxaana kulanka qado sharafta oo qaatay saacado badan lagu soo qaaday sida ay muhiim u tahay in loo istaago tayaynta afka Soomaaliga iyo in la dhiiri geliyo bahda qoraaga Soomaaliyeed.
Bahda qoraaga Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah ayaa Garoowe kaga qayb geli doona munaasabadda bandhiga buugaagta caalamiga ah ee Garoowe, munaasabaddaas oo ay si wada jir ah u qaban qaabiyeem machadka SIDRA iyo shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom , isla markaana looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa qoraalka loona abuuri lahaa hab dhaqan horseedi kara in dadka Soomaaliyeed lagu dhiiri geliyo inay wax qoraan waxna akhriyaan, taasoo keenaysa in aqoonta bulshada Soomaaliyeed ay kobocdo.