Bandhig Cilmiyeedka Tamarta oo Hargaysa ka Furmay iyo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo ka qayb galay
Hargaysa 17.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynane ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta Hotel maansoor ee magaalada hargeysa kaga qayb galay munaasabad balaadhan oo ku saabsan bandhig cilmiyeedka tamarta Somaliland
Munaasibadan oo si heer sare loosoo qaban qaabiyay ayaa waxa kasoo qeyb galay wasiirada wasaaradaha qorshaynta qaranka , tamarta iyo macdanta ,horumarinta deegaanka iyo reer miyiga , wasiir ku xigeenada tamarta iyo macdnta iyo hawlaha guud gaadiidka iyo guraynta iyo qaar ka tirsan hayadaha caalamiga ah.
Ugu horyan waxa halkaasi ka hadlay wasiirka tamarta iyo macdanta md xuseen cabdi ducaale oo ka waramay ujeedada bandhiga oo uu tilmaamay in uu yahay sidii loogu gudbi lahaa dhuxsha dalka laga isticmaalo isalmarkaa loogu guuri lahaa tamaraha kale sida dhuxul dhagaxda iyo gaasta dabiiciga ah.
Waxa iyana halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo shukri xaaji baandare oo sheegtay in ay ku jiraan qorshe ah sidii loo cidhib tiri lahaa aafada dhuxusha oo xaalufin daran ku haysa dhirta wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka md sacad cali shire oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in isticmaalka tamaraha kale ay yihiin waxa kaliya ee badbaadin kara dhirta iyo deegaankeena sidaa darteed loo baahan yahay in bulshadu ay isticmaasho tamaraha kale .
Gabagbadii waxa halkaasi ka hadflay Madaxweynane ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil[ Saylici]oo sheegay in uu baaq u jeedinayo bulshada kaasoo ku saabsan sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga dhuxusha , xukuumad ahaan ay ku hawlan yihiin sidii qorshe xirfafdeed loogu samayn lahaa dadyowga ka ganacsda dhuxusha si deegaankeenu u badbaado.
loogu samayn lahaa dadyowga ka ganacsda dhuxusha si deegaankeenu u badbaado.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com