Banaanbax ka dhan ah xil ka qaadistii Caalin oo ka dhacday Gaalkacyo
Gaalkacyo Dec 03,2011(qurbejoog.com)-Dibadbaxaani oo ahaa mid ballaaran ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, iyadoo looga soo horjeeday xil ka qaadistii gudoonka barlamanka Galmudug uu ku sameeyay Madaxweynihii Maamulkaasi Max’ed Axmed Caalin.
Dadka dhigayay Banaanbaxa ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah barlamanka Galmudug, waxaana ay socod dheer kusoo mareen Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad weyne aad u farabadan.
Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in taasi ay tahay wax lasoo abaabulay islamarkaana ay soo dhoo dhoobeen barlamanka Galmudug, waxaana ay sheegeen in marna aysan aqbali doonin in uu xilka uu ka dago Madaxweynihii hor ee Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin.
Banaanbxaani ayaa waxaa uu imaanayaa xilli barlamanka Maamulka Galmudug oo xilkii ka xanyuubiyay Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Max’ed Axmed Caalin.
Qurbejoog-Gaalkacyo