|

Banaan-bax Noociisa aan hore loo arag oo reer Somalilanmd ay ku qabteen London

London Feb 22,2012(qurbejoog.com)-Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Brutain ayaa manta isu soo bax balaadhan ka hor sameeyay xafiiska Reysul wasaaraha dalkaasi xili uu la kulmayay madaxweynaha Somaliland.

Shacabka reer Britain ayaa isu soo baxooda waxa ay ku muujinayeen goaankooda qadiyadeed ee gooni isu taaga Somaliland.

Sidoo kale waxa isu soo baxayaashu u jeedinayeen beesha caalamka baaq ay uga dalbanayaan in la tixgeliyo rabitaankooda la soo noqoshadii dawladoodii madaxbanaaneed ka hor intaanay la midoobin Soomaaliya.

Tirada daka isu soo baxa ka xaadray ayaa fajiciso ku noqotay ka qeybgalayaashii halkaa tegay.

Dadka ka xaadiray isu soo baxa oo ka koobnaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka kala yimi gobolada dalkaasi ka kooban yahay iyo dalalka Britain jaarka la ah.

Isu soo baxan ayaa ku soo beegmay xili dawlada Britain ay Soomaalida u qabaneyso shir berto London ka furmaya oo Somalilandna lagu casumay.

 

SDN-london

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed