|

Ban Ki-moon oo madaxweynaha Syria ka dalbaday in joojiyo leynta dadkiisa

Beirut Jan 17,2012(qurbejoog.com)-Xoghayaha guud ee QM ayaa ugu baaqay madaxweynaha Syiria in uu joojiyo dilkau dadkiisa ku hayo raaciyayana in ay dhamaatay xiligii ruux qudha talin jiray iyo kala dhaxalkii xukunka.

Ban Ki-moon ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Beirut ee dalka Lebonan oo lagu qabtay kulan looga hadlayay Dimuqraadiyada iyo dunida Carabta.

“Maanta waxaan mar kale ku celinayaa in madaxweyne Bashar al azad Jooji colaada,jooji leynta dadkaaga”ayuu yidhi Mr Ki-moon.

Hadalkan ayaa iminaya xili maalmo ka hor uun uu madaxweyne Azad uu cafisi u fidiyay dhamaan dadka kacdonka wada ee doonaya in ay wadahadalka la galaan dawlada.

Mucaaridka ayaase sii fogaanaya marba marka ka danbeysa oo is hubka qaadanaya.

QM waxa ay sheegtay in ilaa iyo haatan ay qalalaasaha Syria ku geeriyoodeen dad ka badan 5,000 o ruux oo u badan dad rayid ah.

Qurbejoog-Beirut
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed