|

Bahda Hubaal Oo Toddoba Bilood Dhibbane u ah Kiiskii Lagu Soo Weeraray Iyo Cabdilaahi Fadal Oo Madaxa Kaga Taagan

Hargeysa:24-N0v-2013(SDN)-Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Bisha November  ay Bahda wargeyska Hubaal Ugu  Fadhidaa Macne Ballaadhan, waxana ay ugu Beegan  tahay Dhacdo Xanuun Badan oo Caalamka iyo Somaliland-ba Xanuun Badan ka Geysatay.

caloolay-1-300x225Habeenkan oo kale muddo haatan lagu Joogo Toddoba Bilood waxa Koox Ciidanka Booliska Somaliland ka tirsan oo ku Qalabaysan Hub Noocyo Badan iskugu jira oo Madaxa Soo Duubtay saq dhexe u soo Daateen Xarunta Wargeyka Hubaal ee Magaalada Hargeysa.

Kooxdan oo Inta Badan Wixii ay Sameeyeen laga wada dheregsan yahay, ayaa rasaas Oodda kaga Qaaday Masuuliyiinta Wargeyska, iyagoo Dhaawac Gaadhsiiyey Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac(caloolay) iyadoo Nasiib wanaag  Gadh-wadeenkii Hawlgalkaas Abaabulan ee Wargeyska Lagu Soo Qaaday gacanta lagu Dhigay gacantana laga Geliyey Ciidanka Ammaanka.

Taliska Ciidanka Booliska oo uu Dambiilahaas Falka Lafo jabka ah ka Geystay Hay’addan warbaahineed ee Caasimadda ku taalla, uu ka tirsanaa, ayaan ilaa iyo Maanta oo muddada intaas le’egi  soo Saarin wax warbixin ah, islamarkaana aan Kiiskaas  dhiniciisa u dhaqaaqin halkiisiina aan ka qaadin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa Masuulkii ugu horreeyey ee waajibka iyo ka Sal gaadhidda arrintani saarnayd, ayaan marnaba isku dayin inuu Dambiilayaashii Falkaas Geystay Caddaalada Hor Keeno, waxana uu ka Cago Jiiday inuu Baadi Doono oo soo Qabto Shakhigii labaad ee Ninka Haatan la Hayo kula Jirey Dambiga uu lagu qabtay.

Iska Daa inuu Cabdilaahi Fadal Raadiyo ninka ka maqan gacanta Ciidanka Ammaanka’e waxa uu si Cad oo Badheedh ah u diiday inuu kan Haatan la hayo Hor geeyo maxmadda ku shaqada leh oo uu is dhaafiyo, isagoo awooddiisa u isticmaalay sidii ninkaas caddaaladda looga qarin lahaa.

Taliye Fadal ayaa la aaminsan yahay inuu yahay ninka Sharciga ka hortaagan Dambiilahan u soo Badheedhay inuu qudha ka jaro muwaadin sax dhexe hoygiisa ku jira, waxana uu ku tuntuunsaday Taliyuhu inuu meelo Daran iyo Reero Muskood ka Tuuro Kiiskan, isagoo gabbood ka dhiganaya in kii maqnaa la raadinayo kanna lala Sugayo.

 

Sidoo kale Taliye Fadal ayaa mar kasta oo arrinta Kiiskan waxa laga weydiiyo, sheega inuu Mar Hore kiiskaas u gudbiyey maxkamadda ku shaqada leh, taas  oo ah Hadal xaqiiqda ka fog oo uu  kaliya uga dan leeyahay inuu ku dhaafo Su’aasha Badanaa laga Weydiiyo arrintan.

Ma aha wax la aqbali karo in Kiis Noocaas oo kale ahi oo waliba dadkii falkaas Geystay haatan la hayo inuu Muddo Toddoba Bilood ah ahaado mid aan haba yaraatee  laba gudo gelin, waxase Sababtu tahay  madaxa Ciidanka Booliska Oo Geed Dheer  iyo Mid Gaaban ba u Fuushan inuu kiiskan kala Dhantaalo,  sababo jira Aawadood.

Madaxda Wargeyska Hubaal oo wali Dhibanayaal u ah arrintaas, islamarkaana aan gar iyo Garowshiyo midna la marin, ayaan garan la’ayn waddooyinkii ay ku baadi dooni lahaayeen Cidda Godobtoodu maqan tahay, balse waxa ay dhawrayaan una Hoggansan yihiin Sharciga iyo Kala Dambaynta  dhigan waddanka inkastoo aan cidi u ogayn.

Maadaama Kiiskaas Ceebta ku ahaa Qaranka Somaliland Guud ahaan uu muddo Toddoba Bilod ah wali yahay mid Taagan Halkii Maalintii uu dhacay taagnaa, waxa ay Bahda wargeyska Hubaal aaminsan yihiin in Taliska Guud ee Ciidanku yahay Meesha aan marnaba laga Ogolayn in kiiskaasi Natiijo Keeno, iyadoo Tallaabada Noocaas ee kiiskan lag Hortaagan yahayna keenayso Shaki in Hoggaanku ka baqayo Natiijada Kiiskan.

Haddaba Haddii  aanu Hoggaanka Sare ee ciidanka Boolisku ka  shaqkisanayn, waxa dhici lahayd in mar horeba lagu kala caraabi lahaa Kiiskan, balse waxa Taagan shaki sii Xoogaysanayo oo ka dhalanaya is Hor istaagga Kiiskan.

Haddaba Bahda Hubaal waxa ay wali Si Qaddain iyo Qiimo leh Qaranka Somaliland marti  uga tahay in Caddaalada la Hor Keeno ciidankii Booliska ahaa ee Habeenka Madow Dilka kula Kacay, balse ma Mooggana oo way yaqaaniin Meesha Godobtoodu Taallo, Haddii Arrintu Sidan Sii Ahaatana Dulqaadku Sidan ma sii Ahaan Doono.

Ugu Dambayntii Taliyaha Ciidanka Boolisk Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Bahda  Wargeyska Hubaal Maanka Ku hayso inuu yahay caqabadda hor taagan Kiiskan, ayaa   looga Fadhiyaa inuu Go’aankiisa uu arrintan ku hortaagan yahay wax ka beddelo, maadaama aan  Noloshu Sidan sii Ahaan Doonin Taariikhduna is qorayso.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed