Badheedhihii Wasiir Samsam ee Ku Baanista Olole Siyaasadeed oo Reeraysan & Soo Celinta Nidaamka Is Gaashaanbuuraysiga DAAWO
Hargaysa 29. November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa si adag ula hadashay Odayaasha Dhaqanka, Wax-garadka iyo Masuuliyiin ka tirsan Beesha Bariga Burco ee gobolka Togdheer oo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hoggaaminayey kulan gaar ah kula qaateen magaalada Burco oo Weftigu habeen hore u hoyday.
Wasiir Samsam, ayaa Odayaasha iyo Wax-garadka Beesha Madaxweynaha ugu baantay sidii Beesha ay ka soo jeeddaa u taageereen Axmed-Siilaanyo markii uu ahaa Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye ee uu u ordayey doorashada Madaxtooyada iyo sidii ay ula garab-taagnaayeen taageerada hooda iyo hiilka ah-ba iyo sida wakhtigan loogu baahan yahay inay u taageeraan Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye ee wakhtigan Muuse Biixi Cabdi.
“Annagu markii aannu Madaxweynaha taageeraynay, waxaannu ku taageernay taariikh-diisa iyo wuxuu yahay reer ahaan iyo gaashanbuurta gaashaan buurtiisa inuu ahaa, cidi nagumay ballamin Annaga Madaxweynaha sida immika la idinku ballamiyey.” Sidaa ayaye tidhi Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysay kulankaas Weftiga Madaxweynaha iyo Odayaasha ku dhex-maray Burco.
Wasiir Samsam oo sii wadatay hadalkeeda, waxay intaas ku ladhay; “Laakiin taariikh baannu ku dagaalamaynay, runtii Adduunka Gaashaanbuurtu way ka dhacdaa oo waddamada waaweeyn ee Waarso iyo Naatada aad arkaysaan waa isgaashanbuuraysi, waxa weeye dan baa loo arkay.”
“Annaguna dantii baannu eegayn oo illaa dhawr iyo kontankii Gaashaanbuur baynu ahayn tii baannu illaalinaynay oo aannu deegaankayaga ka ilaalinaynay oo iyadoo dawladi idinla dagaallamayso loo soo mari waayay, tii baannu idinka filayna idinkana.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan.