“Badhasaabka Sanaag Wuxuu Wadaa Kaanbayn, Hadii Ololaha La Joojin Waayana Waa Cidii Iga Badisa” Maayarka Magaalada Ceerigaabo DAAWO
Ceerigaabo 03. October 2017 (SDN/QJ):- Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay uu ka wado Gobolkaasi Olole Siyaasadeed Waxaanu ku hanjabay in hadii Gudoomiyuhu Joojin waayo Ololahan aanay isaga Cidi ka badinayn.
Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Waxaanu ka hadlay Shir dhaqan oo ay Lahaayeen Beesha Biciido ee Habar Jeclo Isagoo Sheegay in Wareegtadii u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo ku Joojiyey in Shaqaalaha dawladu aanay u ololayn Xisbiyada loo baahan yahay in La fuliyo.