Badhasaabka Gobolka Meru Ee Kenya oo Difaacay Socdaalkiisii Somaliland
Nairobi 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka soo saara qaadka ee Meru ee dalka Kenya Mr Peter Munya, ayaa si adag u difaacay socdaalkiisii uu ku yimi Somaliland bishii July ee la soo dhaafay, kaasi oo ka cadheysiiyay xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya.
Hadalka badhasaabka Meru oo ay maqaal ka qortey majaladda Daily Nation ee ka soo baxda Kenya, oo aan soo turjunnay waxa uu u qoraa sidan:- “Peter Munya ayaa difaacay socdaalkiisii Somaliland isaga oo ku adkeystay in aanu sameyn wax faragelin ah oo dhuleed sida ay ku eedeeysay dowladda Soomaaliya.
Badhasaabka oo hadalladiisu yihiin qaar cad-cad, waxa uu sheegay in aanu ka qoomameyneyn booqashadiisii Somaliland ee uu ku tagay Hargeysa oo uu dedaal ugu jirey sidii uu beeraleyda Miraa ugu dagaalami lahaa suuq ay u helaan jaadka siday weyn ay ugu tiirsan yihiin.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan, ayaa kula boodey eedeyn socdaalkii Mr Munya ku tegay Hargeysa, waxaanu ninkaas safiirka ahi ku eedeeyay in tallaabadii Soomaaliya qaadka Kenya u joojisay ay ka dhalatay cadho laga qaaday socdaalkii Badhasaabka Meru ku tagay Somaliland.
Haseyeeshee Mr Munya, oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay khamiistii deegaanka Igembe waxa uu si cad u sheegay inaanu qoomameyneyn booqashadiisii Somaliland oo uu ka shaqeynayay inuu wax la qabto beeraleydda Mira.
Badhasaabku waxa uu sheegay in ay tahay masuuliyad saaran dowladda Kenya inay suuq uga abuurto qaadka Miraa Soomaaaliya iyo dalal kaleba iyada oo aan arrinta siyaasadeyn.