Badhasaabka Buuhoodle Oo Ka Hadlay Nin Lagu Dilay Degaanka Qorilugud, Isagoona Baaq Nabadeedna U Diray Beelaha Dega Gobolka
Buuhoodle,14Dec,015(QJ/SDN)-Badhasaabka gobolka Buuhoodle Cismaan Ciise Maxamed ayaa ugu baaqay beelaha degga Qori-lugud iyo Horu-fadhi in ay ilaashadaan nabadgeliyadoodda, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo fidno ka dhex abuuri kara beelaha walaalaha ah.
Hadalka badhasaabka Buuhoodle ayaa daba socday dhimashadda nin dhawaan lagu dilay inta u dhaxaysa magalooyinka Horu-fadhiyo Qori-lugud, isagoo u soo jeediyay dhinaca uu ka soo jeedo ninka gacan ku dhiig-laha ahi in ay soo qabtaan ninkii dilka gaystay, halka uu dhinaca kalena ugu baaqay in ay nabadgeliyadda ilaaliyaan.
Cismaan Ciise Maxamed, oo Hargeysa kula hadlay saxaafadda dawladda ayaa tacsi u diray ehelka nin lagu dilay inta u dhexaysa Qorilugud iyo Horufadhi.
Badhasaabka Buuhoodle, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ugu horayn, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa, eheladii uu ka baxay ninkii ku geeriyooday inta u dhaxaysa magaalooyinka Qori-lugud iyo Horu-fadhi dhexdooda, ninkaas oo magaciisa la odhan jiray Yuusuf Saleebaan Geedi, oo ka dhintay beesha Buuhoodle. Haddii aanu nahay masuuliyiintii iyo maamulkii gobolka Buuhoodle waxaanu ka tacsiyadaynaynaa, qoys iyo qaraababa ninkii geeriiyooday eheladiisii.”
Badhasaab Cismaan ayaa baaq u diray odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle iyo Qori-lugud oo uu ugu baaqay inay ixtiraamaan, una hogaansamaan heshiisyadii nabadda ee ay hore u kala saxeexdeen beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle. “Waxaanu faraynaa, cuqaasha, waxgaradka iyo isimadda ku nool degaamadda Buuhoodle iyo Qori-lugud arrintii nabadaynta ee ahayd xeerarkii laga dhigay ee isimadu saxeexeen, ee aad goobjoog ka ahaydeen, in aanu qarsoomin gacan ku dhiigle dhib iyo aafo u gaystay dad bani’aadam ah, oo islaam ah. Waxaanu heshiisku ahaa in la soo saaro gacan ku dhiiglahaa dilay marxuumka lagu dilay magaalooyinka Horu-fadhi iyo Qori-lugud dhexdooda,”ayuu yidhi Cismaan Ciise.
Waxa kale oo uu fariin u diray beelaha walaalaha ah ee wada dega Buuhoodle iyo Qori-lugud. Waxaanu yidhi “Waxaanan halkan baaq uga dirayaa dadka walaalaha ah, ee isku daaqsiinka ah ee isku ehelka ah, ee is-dhalay in la iska jirro in dad fidmo-wadeyaal ahi ka dhex shaqeeyaan.Waxaanan leenahay qofku wuu dhintaa, ama kaneeco ha disho, ama xabadi hadisho ama dar Illaahay ha u dhinteen, in laga bad-baadiyo cidda dambe ee dhimanaysa si aanay u dhiman in laga hortaggo.”
Badhasaabku waxa uu faray dhinacyadda shilku ka dhex dhacay in ay dib u eegaan heshiiskii u danbeeyay ee nabadaynta, isla markaana gacanta lagu soo dhigo danbiilihii falkaasi geystay.
Cismaan Ciise Maxamed, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay in badan ayaynu dagaal ku soo jirnay wax faa’iido ah oo aynu ka helnayna ma jirto. Dhibaato intasi inoogu filan, qofku wuu dhimanayaa, qofkii gacan ku dhiiglahaa ahaa, ee cidii dhishay in la isku hawlo sidii loo soo qaban lahaa ama loo ogaan lahaa.Waxaanan leeyahay reer Qori-lugud, cuqaal iyo waxgarad madashii nabadda waynu wada fadhinay balan iyo axdi ayaynu kala qaadanay, qoraalkiina waanu haynaa, waxaanan u soo jeedinayaa balantii iyo axdigii hala ootiyo, dadka ha lagula shaqeeyo samaan iyo walaalnimo, ayaanu la fidin fidmo.Qoladda Buuhoodle ama Horu-fadhina, ee hadda gacanta gaystay waxaan ugu baaqayaa inay iska soo sheegaan ama soo qabtaan gacan ku dhiiglihii, oo aanu la soo gelin fitan, oo ayaan la odhan reer hebel ayaa dilay iyo reer hebel ayaa dilay, ama qolaa dishay. Qof baa dilay qofkaasi ayaanu saamayn qabiil ama qaran, ha la qabto.”