|

Badhasaabbada Iyo Maayirrada Oo Looga Digey Inay Raacaan Wufuudda Xisbiyada,Kulmiye Ma u Hogaansamay

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):-Wasiir ku xigeen Arrimaha Gudaha ee Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka JSL Jaamac Cabdillaahi Biin, ayaa Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Maayirrada Magaalooyinka dalka uga digay inay wufuudda Xisbiyada siyaasadda u raacaan gobollada iyo degmooyinka kale ee aanay ka talin, sidaasi awgeedna amray inay ku sugnaadaan Gobollada iyo Degmooyinka ay ka arrimiyaan oo ay ku soo dhaweeyaan wufuudda xisbiyada oo dhan.

Mr. Biin oo magaalada Hargeysa ugu warramayey warbaahinta, ayaa ugu horreyn jawaab ka bixiyey in Badhasaabada iyo Maayiradu ku milmeen Wufuudii Xisbiyada waxaanu yidhi “Maayirradu waa siyaasiyiin ee maaha shaqaale, waana xubno la soo doortay, badhasaabaduna waxay joogaan boos siyaasadeed oo waxay hayaan xilka Siyaasadda iyo Nabadgelyada Gobolka, midh waan ka garaabayaa haddii aad leedihiin gobolo kale ayey u socdaaleen, arrintani maaha mid olole, haddii xilligii kaambaynka la fasaxay tahay way raaci karaan oo Maayirka iyo Badhasaabku way tagi karaan gobolo kale, laakiin hadda waxaan leeyahay ha ku ekaadeen xudduudooda, maxaa yeelay halkaad tageysaan ee weftiyada Xukuumadda iyo Xisbigu tegayaan waxa ku sugan Badhasaabo iyo Maayirro ee waxaan leeyahay saaxiibayaal xilka aad Qaranka u haysaan haya oo ku ekaada”.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinku waxa uu amray inay Badhasaabada iyo Maayiradu ay xudduudooda ku ekaadaan oo aan u gudbin xuduud kale “Waxaan idinku amrayaa in Badhasaab kasta uu ku ekaado xudduudiisa oo wufuudda immanaysa ee Xisbi kasta uu ku soo dhaweeyo oo uu ka hadho markay xudduudiisa ka baxaan, mana aha xilkii laga sugayey ee Gobolka uu ku lumiyo inuu maalmo dhan uu wefti la socdo”.

Intaasi kadibna waxa uu farriimo kala duwan u kala diray Badhasaabada iyo Maayirada “Maayirada waxaan leeyahay xilka magaalooyinka la idiin doortay ayaa idin saaran oo ah Nadaafad, Billic, iyo Horumar, mana jirto fasax aad qaadateen ee idinka oo ku jira maalmo hawleedkii oo aan fasax u qaadan waa qalad inaad xisbiyada u raacdaan gobollo kale, waxaanan leeyahay mar danbe yey dhicin maanta laga bilaabo in Maayir uu ka tago degmadiisa oo uu tego degmo kale ilaa inta ka horreysa xilliga la fasaxayo ololaha doorashada Madaxtooyada JSL”. Ayuu yidhi Jaamac Cabdillaahi Biin

Dhinaca Kale Weftiga uu Hogaaminayo Murashaxa ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee haatan ku sugan Gobolka Sanaag ayaa waxaa la socda xubno ka mid ah Shaqaalaha dawlada.

Comments are closed