|

Badda Boosaaso Oo Shan Dhallinyaro ah Liqday iyo Laba Ka Mid ah Oo Maydadkooda La Helay

Bosaso:21-Dec-2013(SDN)-Magaalo-xeebeedda Boosaaso Ee Deegaanada Puntland ayaa cisbitaal ku yaalla Saaka la keenay Maydadka Laba dhallinyaro ah oo ka mid ahaa Shan qof oo shalay ku qarraqmay xilli ay dabbaalnayeen.

madadWaxaa lagu kala magacaabi jiray dhalinyarada geeriyootay Bashiir Maxamad Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada wax ka barata iskuulka sare ee Bosaso(Bosaso Public Secondry School) iyo Maxamad Cabdiqani Santaa oo isna ka mid ahaa macalliminnta Jaamacadda Bariga Afrika

 

Cabdisalaan oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa isbitaalka ayaa, ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u  sheegay in xeebta shalay ay qaaday shan dhalinyaro ah, waxaana la helay laba ka mid ah meydadka dhalinyaradaasi oo badda soo caarisay, iyadoo weli la la’yahay sadexda kale.

 

Dhalinyaradan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dhalinyaro maalmaha Khamiista iyo Jimcada u damaashaad taga xeebta, gaar ahaan aaga dekadda magaalada Bosaso.

 

Waxaa isbitaalka ku sugnaa dad farabadan oo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo odayaaal, kuwaasi oo markii ay maqleen in ay soo caaridday xeebta Bosaso dhalinyaro meyd ah soo gaadhay.

 

Dhallinyaradan oo la arkayey markii ay baddu liqaysay ayaa loo waayey wax u gurmada, waxana guud ahaanba halkaas aan jirin wax qalab ama ciidan ah oo ka gumada dhibaatooyinka caynkan oo kale ah.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed