Badbaadi Dalka iyo Dadkaaga
Inta awoodda u hesha in ay ka qayb galaan kulamada kala duwan ee kala heerka iyo nooca ah, ayey u taallaa in ay u bareeraan in ay geesinimo ku badbaadiyaan jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo dalkooda ay afarta hareerood belaayadu ka kulaalayso. Awoodaha Badbaadada Qarameed maalinba koox ama kooxo ayey gacantooda ku jirtay.
Maanta labo ayey mid noqonaysaa: (1) In Guddigaan Farsamada oo isku hallaynaya Allaahii abuurtay iyo inyada samaha Soomaaliyeed jecel oo garab taagan; ay ku adkaystaan in aaney marna-ba oggolaan – in Golaha Shacbiga Soomaaliyeed oo Cusub ay soo galaan kuwii dambiyada halista ah ka galay ummaddan jiritaankeeda. Waa kuwii qabiil awgi u gumaaday walaalahooda Soomaaliyeed oo aan dambiga ka gelin.
Waa horjoogeyaashii dagaallada beeleed oo uu farahooda wali ka qoyan yahay dhiiggii wada-dhaladka Soomaaliyeed. Waa barakiciyeyaasha iyo hanti ka boobeyaasha ummadda Soomaaliyeed. Waa kuwii cuntada ka doonay dadka dhiiggiisa. Waa kuwii ku mabay oo ku maalaystay ka ganacsiga xinjirta da’yartii Soomaaliyeed. Waa kuwa Soomaali baday inay dunida dacalladeeda – daadsanaato, ku dulmanaato, facooda ka dawersato,
duufaanka baduhu liqaan ayna nolosha adduunka iyo asaaggoodba daciif lagu tunto u ahaadaa. Waa kuwa kutubta Alle ka been sheegay, Soomaali ku danaystay, hadba shaar been ah u gashaday, illinta yaxaaska ee beenta qubay, markay sallaanka ku fuuleenna – xataa Diinta Islaamka dibadda uga baxay sida Xisbi Siyaasi ah oo kale. Waa kuwa badahii Soomaalida gatay, birrigiina sunta ku aasay. Ha ahaadaan kuwii Shacbiga Soomaaliyeed u laayey, maxay kali talis u diidayaan; haddii yihiin kuwii wax u laayey qabiil dartiis,
haddii ay yihiin kuwii wax u gumaaday Isbaaro dhigasho iyo lacag ka samayn dhiigga iyo carunta caatada ah ee masaakiinta; haddii ay yihiin kuwii sunta wax gummadda dalkeenna ku aasay si ay shilimaad uga helaan; haddii ay yihiin kuwa caadada ka dhigtay ka been sheegga Diinta Islaamka si ay manfac aakhiro la eedo iyo mansab ay shisheeye uga wakiil yihiin u dhaafsadaan; haddii yihiin kuwa Hilibka Dhurwaagu Soomaali cunsiiyey, berrina soo wada in ay Hilibka Doofaarka xalaaleeyaan kuna qasbaan cunistiisa Soomaalida oo dhan,
waayo dhaweydna laga sheegayey inay xalaal ku sheegeen galmada Haweenka meydka ah (in kasta oo ay haddaba midda ay kufsadaan dil ku xukumaan haddii ay sheegto); Saadambena laga fikan karo in ay qofka dhinta hilibkiisa in la cuno xalaal ku sheegi doonaan, (2) Iyo in la fududaysto ama laga cabsado ahmiyadda aayaha dalka iyo dadka ee maanta, taasina berri horseeddo –
halaag kale iyo in waxa Soomaali ka haray ay sii kala firdhadaan. Maanta ayey talo bilin tahay. Maanta ayey tahay in dugaagga laga hor joodsado inay Kursiga Sharafta ee Barlamaanka Ummadda Soomaaliyeed ku fariistaan. Waxaana xaq hadalkii ay dhawaan jeedisey Murwo Xaliima-yarey Ismaaciil Ibraahim (Xalima fanax) –
La Guddoomiyaha Guddiga Farsamada soo xulista Xubnaha Barlamaanka; kaasoo ay ku tilmaantay in maadaama aanu dalka Soomaaliyeed 22 sano lahayn Maxkamad Qaab Sharciyeed lagu dhisay, ay Shacbiga Soomaaliyeed ee hadda nooli Markhaati ugu filan yahiin – inay Dambiileha ku fuliyaan shuruudaha hortooda yaalla. Hadallada Shariif Sheikh Axmed iyo kuwa Dambiileyaasha laftoodu ay waliba sida axmaqnida ah warbaahinta uga geeraarayaani – waa dambi kale oo ummadda laga galayo. Allaah hortiis,
raggii Dagaallada Beeleed horseedka ka ahaa, kuwii Xarunta Aragagaxisada Caalamka ee Asmara Soomaaliya uga soo duuley iyo kuwa hadda Hilibka Dhurwaaga iyo midka Doofaarka cunistiisa ku qasbaya ummadda Soomaaliyed ee Muslimiinta ah, oo waliba Allaah dartiisna u soomman – waa isku dambi, mana istaahilaan in ay kuraasi magaca Beelaha Xalaasha ah ee Soomaaliyeed ku isman fuulaan. Shariif Sheikh Axmed, Mr Mahiga iyo cid kasta oo u carrab laalaadisa ama damacda in ay Warlords; Marauding Thugs, Terrorist Villains iyo tuugadii hore ee hantidii Ummadda boobay sida Abtigay – “Sir Cali Baaba” oo aan anigani goob joog ka ahaa markii ugu dambeysey oo uu Kismanyo Airport,
saddex boorso oo ay lacagi kabuuxdo ugula baxsaday diyaarad ay lahayd Shirkadda Putar Kayte ee la taliyaha u ahayd Warsheddii Sokorta Mareerrey, lacag la baxsiga subaxaasna oo uu u sahlay G/Sare Cabdullaahi Shariif Dhagacadde, Taliyihii NSSta Gobolka Jubbada Hoose, ayna xog ogaallada ka mid ahaayeen – G/sare Maxamed Muumin Dacay, Guddoomiyihii Gobolka oo damcay in soo qabto iyo Ganacsade Cascasey Jaamac Barre oo xogta u tabiyey Dawladdii Dhexe; Wadeey “Cali Baabbe-haas” oo haddana xirfadda ka dhigtay fidmada,
wixii Soomaali u dhisma burburintooda, kala eryidda iyo iska hor iyo dabo keenka aanu ka nasan ee beelhoosaadda uu ka dhashay, una tafo xaytey hagardaamada tolkiis iwm; nabee ma mudna in lagu soo dhaweeyo – Barlamaan laga doonayo in uu Soomaali isu keeno. Haddaba qof kasta oo ka damqanaya dhibaatadii Soomaali asaaggeed ka reebtay, rabana in ay ka baxdo booraanta hadimmo ee ay afartankii sano ee dambe ku gubanaysey; waxaa la gudboon in uu u bareero Samata-bixinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, taas ayuuna Ajar uga helayaa xagga Alle, Abaal raagana uga helayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba
Prof. Cabdulwali Cabdullaahi Sheikh Cismaan