Baaxaadega Siyaasadeed ee Dalka Ivory Coast,Wasiirkii Gaashaandhiga oo Xoriyadiisii Dib u Helay & Madaxweyne Ouattara oo Sheegay in la Heshiiyey
Ivory Coast 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dalka Ivory Coast waxaa maalmahan kasoo cusboonaaday xiisad kadib markii ay gadood sameeyeen ciidamo katirsan Milatariga dalkaasi oo ka cabanayay mushaar yari iyo sidoo kale in aysan helin daryeel ku filan.
Ciidamada Milatariga Gadoodka sameeyay oo kasoo baxay Xeryahooda ayaa la wareegay goobo badan ay Dowlada xarumo u aheed, waxa ayna Ciidankan dalbanayeen in la dhageesto dalabkooda ayna dowlada wax ka qabato.
Wasiirka gaashaandhigga dalka Ivory Coast, Alain Richard Donwahi, oo wada xaajood la furay ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegay in mudo saacado ah ay kooxdaasi u heesteen Afduub ahaan ayna ka qaadeen xuriyada.
Ciidanka Milatariga ayaa markii dambe sii daayay Wasiirka Gaashaandhiga dibna ugu soo celiyay xuriyadiisa, waxa ayna isla garteen in wax badan laga qaban doono cabashooyinka ay muujinayaan Ciidanka Milatariga .
Dhinaca kale Madaxweynaha waddanka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in la gaaray heshiis lagu soo afjarayo gadoodkii ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah ciidammada milateriga waddankaasi.
Mr Ouattara ayaa sheegay in dalabka ciidammada ee ah in la kordhiyo mushaarkooda sidoo kalana la wanaajiyo xaaladaha ay ku nool yihiin wax laga qaban doono, waxa uuna ugu baaqay inay dib ugu laabtaan xeryahooda.
Ciidanka Milatariga ee gadoodka sameeyay ayaa qaarkood ku qancay hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Alassane Ouattara, ee ku aadan in cabashadooda wax laga qabanayo, waxa ayna ciidanka qaarkood dib ugu laabteen xeryahooda.
Shacabka kunool dalka Ivory Coast ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan ay ka qaadeen ciidanka hubeesan iyo rasaasta ay ridayeen, waxaana shacabka dib xasuustooda ugu soo laabatay colaadii sanado kahor lasoo afjaray.