Baaxaadega iyo Marin Habowga ay Xukuumadu ka qaaday Wasiiradda iska Casilay iyo Madax diiday Xilal loogu yeedhay
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxtooyada somaliland ayaa ku jahawareersan sidii ay isga moosi lahaayeen Daadadka Siyaasadeed ee hafiyey waxaana tan iyo shalay galab Baaqiga kasoo hadhay Xukuumada Siilaanyo Odayaal Dhaqameed Beesha Madaxweynaha kasoo jeeda iyo Gamboolayda Marwada la safani ay ku hawlan yihiin soo xulida xubno Miisaan leh oo iyagu buuxiya jagooyinka adhaxda lagaga jabay ee haldoorkiyo ragii ugu tunka weynaa baneeyeen.
Xalay waxaa qasriga looga yeedhay Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Xukuumadii Rayaale Mudane C/laahi Cirro waxaana wararka aanu qasriga ka helayno iyo weliba dhinac masuulka loo gacan haadiyey ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo masuulkan ka codsaday kamid noqoshada xukuumadiisa oo weliba loo soo bandhigay qabashada Xilkii uu hore xukuumadii Rayaale uga hayey ee Arimaha Gudaha.
C/laahi Cirro ayaa isagu gebi ahaanba madaxweynaha ka diiday qabashada xilkaasi isagoo u sheegay in aanu xiligan u diyaar ahayn xil uu ka qabto xukuumada Talada haysa nooc kastoo uu yahayba.
Xaalada siyaasadeed ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah mid jiheeyuhu ka lumay oo la’ meel ay garabka saarto, waxaana jamaahiirta maanta adhaxda ka jebiyey ay u horseedi doonaan Burbur iyo kala shaki inta isku soo hadhay ka dhex dhasha.
Amaanka Caasimada ayaa aad loo adkeeyay Waxaana habeenkii xalay la dhigay Wadooyinka hargaysa Ciidamo Tiro badan oo Baadhis ku samaynayay Gaadiidka, Waxaa kale oo Walaac laga qabaa Cawaaqibka ka dhalan kara Xiisadaha Siyaasadeed ee xisbiga Talada haya oo gebi ahaanba Isu tanaasul ka dheer yahay.