|

“Baashow Khaladkaas Gashay Cirro Eed Ka Saari Maynee Khaladkaas gashay Ka Noqo Oo Umadda Raalligeli”Cabdilaahi Jawaan

Hargeysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillahi Jawaan) ayaa si mug leh uga hadlay wixii shalay ka dhacay golaha wakiiladda, isla markaana wuxuu baaqyo kala duwan u diray, madaxweynaha, gudoomiyaha wakiiladda, gudoomiye xigeenka koowaad ee isla golahaa iyo shacabka guud ahaan.

jawaaWar murtiyeedka uu Cabdillaahi Jawaan  kaga garnaqay wixii dhacayna wuxuu u dhignaa sidan;  “Waxay dantu igu khasabtay inaan ka hadlo wixii foosha xumaa ee maanta (Shalay) ka dhex dhacay Gollaha Wakiilada Qaranka Somaliland oo ah Golaha Sharci dejinta Dalka. khilaafkii, murankii iyo Gacan isula tagii ka dhex dhacay ee Caalamkoo dhan loo ban dhigay aad baan uga xumahay. Mid waxaan leeyahay Guddoomiyaha Wakiillada C/raxmaan Cirro, midna waxaan leeyahay Guddoomiye ku Xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax, midna waxaan leeyahay Madaxweynaha JSL Axmed Siilaanyo, Midna Shacabka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro waxaan leeyahay intii uu xilka hayay Guddoomiyenimada Baarlamaanka, runtii wuxuu muujiyay Hayinnimo, xilkasnimo, dulqaad iyo isagoo wax kasta oo dhaca u dulqaata oo aan damqan oo ay xad dhaaf ahayd, ilaa mararka qaarkood lagu dhaliili jiray oo la odhan jiray, waa nin qabow oo ficil ma muujiyo,  runtiise  anigu aan u arko  nin u bisil Dimuqraadiyadda iyo Hoggaamintaba. Baarlamaankaa kala Axsaabta duwan intii uu hayay weli iyagoo cid is haystoo loo garqaadayo aan la arag, intii ka horraysay Muranka Haamaha.

Bishan aan ku jiro marka laga bilaabo Somaliland waxa ka dilaacay Cudur la yidhaahdo Cudurka Haamaha Berbera, Sharci uun baa laysku haystay, Baarlamaankuna xaq bay u leeyihiin wixii khalad ah ee ay arkaan Dawladda inay ku celiyaan oo ay yidhaahdaan waxaasi waa qalade ka daaya, Madaxweynuhuna inuu soo celiyo xaq buu u leeyahay wixii uu u arko inay dan tahay, intaba se waa in Sharciga loo raacaa.

Maanta waan dhagaysanayay hadalkii, Guddoomiyaha Mooshinkii maalintii dhawayd la gudbiyay ee Baarlamaanku aqlabiyadiisu isku raacay, koox koox ahayne ay u dhamaayeen, waa  kii Madaxweynuhu soo celiyay ee lagu celiyay, haddana Kaambayna hoosaa  bilaabmay. Waddanka waynu wada joognaa oo iska wada war haynaaye weerar xoog leh ayaa la galay  sidii Go’aankaa burin lahaa ee kuwii u codeeyay   uga noqon lahaayeen culays baa la saaray.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in aanuu Sharcigu ogolayn, Qodob buu u cuskaday Sharciya oo uu leeyahay Fadhiga Mooshin go’aan lagaga gaadhay isla fadhigii lama hor keeni karo, markaa in sharciyada loo hogaansamo ayay ahayd. waxaan maqlayay nasiib darro Guddoomiye ku xigeenkii oo ka dhex dhawaaqay oo leh Codeeya, Anigaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Kulmiye ah, adeer meesha ma yaalaan baarlamaan kulmiye, mid ucid iyo waddani, waa baarlamaan Somaliland. markaa waxaan u arkaa qalad wayn oo uu Baashe u badheedhay oo uu ka galay Somaliland dimoqraadiyadeeda, oo uu ka galay baarlamaankii doortay ee gudoomiye xigeenka ka dhigtay. Gudoomiye Cirrona wuxuu yidhi haddii Baarlamaanku Laba Guddoomiye yeesho laba Madaxweyne ayaa imanaya, markaa waxaan leeyay goluhuna laba gudoomiye ma yeelan karo, dalkuna Laba Madaxweyne ma yeelan karo, oo Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo weeye, Baarlamaankana adiga ayaa laguu doortay Cabdiraxmaanoow, si wanaagsan baad u waday waan kuugu Hambalyaynayaa,  Baashena waxaan leeyahay arrintaa  dhacday inaba cabdiraxmaan eed ka saari maayo, ee ka noqo khaladkaad samaysay Raaligelinna umadda  Somaliland ka sii.

Madaxweynaha waxaan leeyahay, Madaxweyne Masuulkii Dalka u sarreeyay baad tahay, waxay ahayd inta Loobin la gelayo ee Cali Mareexaan iyo Bukhaariyayn iyo Guruubo kale la samaynaayo inaad  Shirguddoonka u yeedhato oo aad ka dhaadhiciso waxa meesha ku jira, laakiin in awooddii Dawladda laysku adeegsado oo qaarna Awooddii laga fogeeyo oo dibadda laga dhigo, oo lagu muquuniyo meesha ma qabato, qaarna la soo dhaweeyo. Umadda isku wad baan leeyahay Axmadow, eedo badan baa jira, dhaliilo badan baa jirra, xan badan baa jirat, Axmadow umaddu siday kuu dooratay, ugu hambee oo ugu caana lis, dadkana isku wad.  Dadweynahana waxaan leeyahay, waxaan maqlaayay mudaharaad baa la dhigayaa lagaga soo horjeedo Inqilaabkii dhicisoobay, Inqilaab ma dhicine waa dimuqraadiyaddii oo khalad laga galaye  waxba hays dhibina, halkiina fadhiya, Gobol yaan laga dhigin, Qabiil yaan laga dhigin, kooxna yaan laga dhigin”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed