Baarlamanka Yurub oo loo gudbiyey Warbixin Dr. Edna loogu sharraxey Abaalmarinta Sakharov 2015
Brussels 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub, ayaa shalay shaaciyey inay taageerayaan una sharraxayaan hanashada Abaalmarinta Sakharov ee sannadkan 2015 Dr. Edna Aadan Ismaaciil.
Baarlamaanka Yurub oo fadhi ay shalay yeesheen kaga hadlayey Abaalmarinta Sakharov ee sannadkan iyo magacyada dadka loo xulay, ayaa dhegeystay Kooxaha iyo Ururrada taageeraya Xubnaha sannadkan ku tartamaya Abaalmarinta Shkharov.
Xildhibaan Carver oo ku hadlayey magaca Kooxda Madax-bannaanida iyo Dimoquraadiyadda Baarlamaanka Yurub, ayaa sheegay inay u xulayaan hanashada abaalmarintan Wasiirkii horee arrimaha dibedda Somaliland wakhtigii Xukuumaddii Daahir Rayaale Dr. Edna Aadan Ismaaciil.
Warbixin kooban oo Xildhibaan Carver ka jeediyey kulankaa, kuna saabsan sababaha ay u doorteen inay Edna Adan, ayaa yidhi; “Adduunka wakhti walba waxa jira qof qiimaha waxqabadkiisu ka muuqdo natiijada uu sameeyey, Edna Adna xidigaha iftiimaya ayey ka mid tahay, waxaanay u bedeshay dalkeeda ku yaal Geeska Afrika hoy lagu badbaadiyo dadka. Aamminsanaata kaalinta Haweenku ku leeyahiin horumarinta bulshooyinkooda, Edna waxay u noqotay tusaale ay ku deydaan haweenka Somaliland.
Keliya iyadoo ka sugnaan kaalmahii xildeed ay soo qabatay caalamka iyo Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Edna, waxay hawl ay meel madhan ka bilowday u beddeshay goob Cusbitaal Caafimaad u fidiya gargaar lacag la’aan ah Haween fara badan oo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ka mid ah, sidoo kalena ku biirisay qorshaheeda soo saarista iyo tabobbarka jiilkii mustaqbalka ee daryeelka Caafimaadka Geeska Afrika.
Waxii ka dambeeyey wakhtigii Edna Adan bilowday hawlgelinta Cusbitaalka iyo ololaheeda wacyigelinta dhibaatada gudniinka fircooniga, waxa hoos u dhacay tiradii haweenka dhibaatooyinku ka soo gaadhi jireen Gudniinka Fircooniga.
Anigoo ka wakiil ah Ururka Yurub ee Madax-bannaanida iyo dimoquraadiyadda, waxaan shaki la’aan ugu soo bandhigaynaa inaan u xulno hanashada abaalmarinta Sakharov Prize Edna Aadan Ismaaciil.” Sidaa ayuu Warbixintiisa ku yidhi Xildhibaanku.