Baarlamanka UK oo ansixiyay sharci dhimid ku sameynaya Gacan qabadka la siiyo Saboolka
London Mar 01 2012(SDN)-Barlamaanka dalka UK ayaa ansixiyey sharci xad u yeelo dona lacagta la siiyo qoysaska aan shaqo haynin ee ku nool dalka Ingiriiska , iyadoo xadka laga dhigayo in qoysku uu qaato kow iyo afartan kun oo dalar sanadkii.
Dawladda UK ayaa iyadu waxay dhib kala kulantay ansixinta sharcigan , iyadoo uu dhaleeceeyey qaraarkan aqalka sare ee barlamaanku , iyada oo ay ku tilmaameen xadidaadani in ay dhib u keeni doonto dadka saboolka ah .
Raiisal wasaaraha UK David Cameron , ayaa waxa uu sheegay in sharcigan cusubi uu dhamayn doono in ay dadku weligood lacag ka sugaan dowladda oo aanay shaqaysan .
SDN-London