|

Baarlamanka Somalia oo Xukuumada Ra’isal Wasaare C.weli ku Canaantay Qaabka ay Ciidamadu uga Hawl galaan alshabaab

Muqdisho 30.March 2014 (SDN)- Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka DF ayaa dhaliil usoo jeediyay howlgalada ciidanka DF iyo kuwa AMISOM ay kula dagaalamayaan kooxda Alshabab iyo damaca siyaasadeed ee ku hoos duugan.

Baarlamanka SomaliaFadhiga baarlamaanka ayaa maalinkii shalay waxaa intiisa badan looga hadlay xaalada ammaan ee dalka iyo meel marinta miisaaniyada lagu shaqaynayo 2014-ka hase-yeeshee xildhibaano dhowr ah ayaa sheegay howlgalada dalka ka socda inay yihiin kuwo dano gaar ah laga lee yahay oo aan dhab ka ahayn dagaalada.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan baarlamaanka DF kana soo jeeda gobaladda Jubbooyinka ayaa rajo xumo ka muujiyay howlgalada huwantu ay ka wadaan gobaladda dalka qaar wuxuna sheegay inaysan dhab ka muuqan.

”Waxan soo jeedin lahaa in si dhab ah looga hadlo laguna daro ajandaha,howlgalada dalka ka socda ma yihiin kuwa shacabka Soomaaliyeed u addeegaya ma yihiin kuwo hormar iyo nidaam keenaya,waxaa loo baahan yahay baarlamankii baanu nahay wax haba yaraatee masuuliyiin Soomaaliyeed oo ka qayb qaadanaya howshaasi ma jiraan gudo iyo dibad ba”Xidig oo sii hadlaya ayaa muujiyay inay xil ka saaran tahay in laga war qabo howlgalada dalka ka socda.

Maxamed Cabdilaahi Xasan oo ka tirsan baarlamaanka DF ayaa sheegay inaysan wali si faah faahsan u maqal dowladda oo sheegaysa inay dileen saraakiil Alshabab ka tirsan iyo hub ay kaga qabteen dagalada ka socda koonfurta iyo bartamaha Somalia.

”Meel wax lagu bur buriyay, ciidan la laayay, Shabab la laayay hub laga qabtay midna laguma sheego mana aanan maqal,sidaa darteed waxaan lee nahay laanta fulintu waxay ugu talo galeen shacabka Soomaaliyeed waa inay soo bandhigeen oo keenaan ilhaanadaa looma dulqaadan karo”Maxamed oo sii hadlaya ayaa jiri Somalidu waxay tiraahdaa Mayd guri lagama jiido waa waqtigaan oo kale waa jiilaal waa markii ugu dhibaato badnayn waa ayaan daro in dalka sidaa loo galo”.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ku dhaliilay Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud inaysan waxba ka aqoon qaababka loola dagaalamo cadowga kasoo horjeeda iyo nashqadaha loo isticmaalo xiliyada ay socdaan howlgalada kooxda Alshabab lagu soo afjarayo Xildhibaan Xayd ayaa arintaasi ka hadlay.

”Waa carareen maku jirto taatiga Malatariga,hadduu cadowgu kaa cararo waxaa la rabaa inaad dabogasho ilaa aad ragga iyo hubka ka dhamayso,waa carareen ma aqaan meel ay ku qoran tahay ,sidaasi daraadeed waxaa la rabaa in wax laga badalo qaabka howlgalada loo galo oo dad wax yaqaana oo wax usoo bartay dalkan ayaa darbiyada iska fadhiya,mid qaraabo lagu keenay oo aan waligiis askari noqona Taliye ayaa looga dhigay oo adiga hoggami baa la yiri”.

Xildhibaan Maxamed Xayd oo sii hadlaya ayaa yiri”Baarlamaanka dambi wayn oo if iyo aakhiri la isku qabsanayo ayaa ku jira xataa ciidamada ajanabiga ah iyo kuwo inoo soo gurmaday waxa weeye in lagu daro saraakiil Soomaaliyeed oo tababaran oo la howlgala,Sharciga Malatariga waxa uu dhahaa hadduu hal askari dalkaaga soo galo oo aadan ka war qabin waxay la mid tahay dal la haysto,Xukumadd indho la baa noo joogta oo waxba aan arkayn”.

Boqolaal qoysas Soomaaliyeed ah ayaa isaga barakacay deegaanada ay gacanta kaga dhigeen kooxda Alshabab ciidanka Huwanta ah kuwaasoo dadka qaar ku eedeeya inay Alshabab xiriir dhow la lee yihiin waana tan keentay in baarlamaanka Muqdisho uu afka furto kanu eedeeyo xukumadda inaysan ka war qabin dhibka shacabka lagu hayo.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed