Baarlamanka Somalia oo Gudo Galay Mooshin ka Dhan ah Shirkad lagu wareejiyay Maamulka Dekeda Iyo Sharci Jebin ay ku eedeeyeen Raysal wasaaraha
Muqdisho 23.Sep 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Magaalada Muqdisho aad looga hadal hayaa Heshiis ay dawlada Federaalka ee Somalia ugu Wareejisay Maamulka Dekeda Magaalada Muqdisho Shirkad laga Leeyahay Dalka Turkiga.
Shirkadan ayaa hore u Shaacisay in Shaqaalaha Dekeda ka hawl gala oo Tiradoodu ka badan tahay Shan kun oo Qof ay ka soo reebi doonto Sadex Boqol iyo Dheerad.
Arrintaas oo keentay Shaqo joojin ay ku dhawaaqeen Muruq Maalka Dekeda Muqdisho isla markaana waxay Cabasho u Gudbiyeen Xukuumada iyo Golaha Shacabka .
Hadaba Kulankii Shalay ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa Kalfadhiga 5aad fadhigiisa 1aad oo uu shir guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana shirka uu ku furmay tira dhan 139 Xildhibaan, ajandaha kulankana waxa uu ahaa qeybinta mooshin ka dhan ah jebinta qaraarkii Baarlamaanka ee la xiriiray Dekedda Muqdisho kaasi oo ay Golaha usoo gudbiyeen XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.
Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan (Sandheere) oo ka mid ah Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan ayaa ka hor akhriyey Baarlamaanka waxaana uu xusay in mooshinkan ay soo raaciyeen cabashada howlwadeenada Shirkadaha maraakiibta,xoogsatada Majakuus iyo Muruqmaalba muhiimaduna ay tahay sababta loo jebiyey qaraarkii uu horey u qaatay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaannada u faah faahiyey nidaamka sharci ahaan ay tahay in la marsiiyo heshiisyada caalamiga ah ee maalgashiga shisheeye waxaana uu dhanka kale Baarlamaanka ka hor Akhriyey qoraal uusoo gudbiyey hanta dhowrka guud ee Qaranka kaasi oo ku saabsanaa heshiiska Dekedda Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa qeybinta mooshinka iyo akhrinta qoraalka ka soo baxay xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka waxa ay gudagaleen soo jeedinta talooyin la xiriira talaabada la qaadayo taasi oo badankeed noqotay in loo yeero Ra’isulwasaaraha Xukuumadda si uu Baarlamaanka uga jawaabo su’aallo la xiriira cida jebisay qaraarkii uu Baarlamaanka horey uga qaatay arintan iyo halka ay ku dambeysay natiijada guddi uu Ra’isulwasaaraha arintaasi u saaray.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cawad oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda u yeerayo sababta uu Golaha Shacabku arintan u eegayana ay tahay in aanan la dulmin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Dekedda caalamiga ah ee
02-April ee sanadkan 2014 ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayey in aanan lagu wareejin Karin dekedda Muqdisho shirkadda Al-Beyradh ee dalka Turkiga ilaa inta heshiiskaasi Baarlamaanka laga hor keenayo waxaana hada ay arintu ku soo biyo shubatay in loo yeero Ra’isulwasaaraha Xukuumadda si uu Baarlamaanka jawaab uga siiyo arinta la xiriira dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu kasoo galo DFS.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com