Baarlamanka Somalia oo Codka Kalsoonida Siiyay Xukuumadii Cumar C.rashiid iyo Tirada ogolaatay
Muqdisho 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan oo shir-guddoominayay kulantii maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in 191 xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Codeynta oo gacan-taag ahayd ayaa waxaa diidday ansixinta 22 xildhibaan, afar mudane oo kalena way ka aamuseen.
Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyay ansixinta Golaha Wasiirrada.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Ceydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa dhaariyay wasiirrada la ansixiyay.
Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa goobjoog ka ahayd 217 xildhibaan.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com