Baarlamanka Somalia oo ansixiyay Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Somalia
Muqdisho 21.Dec 2013 (SDN)-Mudaneyaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah cod gacan-taag ah ku ansixiyay magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka, Cabdiweli Sheekh Axmed.
Kulanka ansixinta raysul wasaaraha oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ka qeyb-galay 243 mudane, waxaana shir guddoominayay afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
239 xildhibaanno ayaa codka kalsoonida siiyay raysul wasaaraha, labo ayaa diidday, halka labo kalena ay ka aamustay.
Madaxweynaha Soomaaliya, raysul wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa halkaasi ka hadlay, waxayna uga mahad-celiyeen mudanayaasha baarlamaanka ansixinta raysul wasaaraha.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii la soo dhaafay u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed raysul wasaaraha cusub ee dalka, isagoo noqday raysul wasaarihii labaad ee dalka uu yeesho muddo 14 bilood ah.
Magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii raysul wasaarihii asaga ka horreeyay, Cabdi Faarax Shirdoon uu waayay codka kalsoonida baarlamaanka horraantii bishan kaddib khilaaf soo kala dhex galay asaga iyo madaxweyne Xasan.
Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa haatan looga fadhiyaa inuu soo magacaabo gole cusub oo wasiirro ah, kaas oo isna la hor gayn doono baarlamaanka si loo meel-mariyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku rajo weyn in raysul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa ay dib u billaabi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo wali ka talisa qeybo ballaaran oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com