Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo kulan deg deg ah ka leh Xilka qaadista Gudoomiyihii Maxkamada Sare Mr Ilka Xanaf DAAWO
Muqdisho 05.May 2016 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah mudanayasha Baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya ayaa kadib xil ka qaadistii gudoomiyihii hore Maxkamada Sare waxay isugu yeerteen kulan deg deg ah oo ay uga soo horjeesteen xil ka qaadista.
Gudoomiyaha Baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ku wargaliyey mudanayaasha kulan deg deg ah oo looga hadlay xilka qaadista Ilka Xanaf.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo hor-jeestay xil ka qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaana tani ay keeni kartaa khilaaf siyaasadeed, xilligan kala guurka ah.
Wararka aan ka helayno qaar kamid ah mudanayaasha ayaa sheegay in ugu yaraan 60 Xildhibaan ay isku kaashanayaan kasoo horjeesiga xilka qaadista Ilka Xanaf.
Guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda sare ee dalka ayaa shalay loo magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan, kaasoo todobaadkii hore iska casilay xilkii Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo uu muddo shan sano hayey.