|

Baarlamanaka Soomalaiya oo magacaabay Guddi Doorasho

Muqdisho November 07, 2024(QJ) – Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ku meel gaar ah oo ka kooban 15 xubnood oo ka kala socda labada Aqal, kuwaas oo soo diyaarin doona hindise sharciyeedka doorashooyinka, shuruucda ururada siyaasadda iyo xisbiyada, sharciga dhismaha guddiga doorashada, iyo xeer hoosaadka.

Tani waxay daba socotaa codsigii uu dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday Baarlamaanka inay ansixiyaan doorasho hal qof iyo cod ah.

Dhismaha guddigan ayaa lagu shaaciyay wareegto ay ku saxiixnaayeen guddoomiyeyaasha labada Aqal.

Comments are closed