|

Baarlamaanka Talyaaniga oo Meel Mariyey In La Sameeyo Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Liibiya

Roma 04. August 2017 (SDN/QJ):- Baarlamaanka Dalka Talyaaniga Ayaa Si Rasmi Ah U Ogolaaday In Maraakiib Xeebaha Liibiya Ilaalisa Halkaasi La Geeyo Si Loo Joojiyo Qulqulka Dadka U Soo Tahriibaaya Qaarada Yurub Kuwaasoo Sanadahan Danbe Aad Usoo Kordhayay.

Maraakiibta Talyaaniga Ayaa Wada Shaqayn La Yeelanaya Xukuumada Dalkaasi Ee Aduunku Aqoonsan Yahay Taakulayn Iyo Tababarana Siin Doono Ciidamada Ilaalada Xeebaha Liibiya Iyagoo Dadka Badda Ay Ku Qabtaan Gudaha Liibiya Ku Celin Doona Oo Laga Unkay Xeryo.

 

Geesta Kale Go’aanka Xukuumada Talyaaniga Waxaa Uu Ka Danbeeyay Markii Raysal Wasaaraha Liibiya Mr Faa’is Siraaj Uu Ka Codsaday Xukuumada Talyaaniga In Gacan Laga Siiyo Sidii Loo Joojin Lahaa Qulqulka Dadka Usoo Tahriibaaya Yurub Oo Marin Ka Dhigtay Liibiya.

Comments are closed