‘’Baarlamaanka Soomaaliya Waxa Miiska U Saaran inay Xeebta Cadalle Itoobiya U Saxeexaan,.’’ Maxamuud Axmed Nuur ‘Tarsan’
Muqdisho,8Jan,2016(QJ/SDN)-Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur ‘Tarsan’ ayaa daaha ka rogay arrin sir ah oo sheegeysa in Baarlamaanka Dowladda Federaalku doonayaan in ay Itoobiya u saxeexaan qodobo meesha ka saaraya jiritaanka ummada Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in saddex qodob ay ugu sii daran yihiin, waa midka kowaade waxay doonayaan in Itoobiya ay u saxeexaan qaadashada dhul badan oo ka bilowda xeebta Cadalle illaa wadankeeda, sidoo kale in la badalo calanka Soomaaliya, laguna badalo calan aaney ku ool xidigta shanta gees leh oo dhexda looga sawirayo Sabuul galley.
Sidoo kale waxa uu Tarsan sheegay in Barlamaanku saxeexayo qorshe lagu mamnuucayo in la dhiso ciidan millatari ah oo Soomaaliyeed, Qodobka sadaxaadna wuxuu yahay in Soomaaliya laga saaro Jaamacadda Carabta si looga dhigo ummada Xabashi ah oo aanan carab ahayn.
”Maanta miiska Baarlamaan ku sheega waxa u saaran in ay calanka badalaan oo xiddigta intay ka bixiyaan Sabuul ku dhejiyaan, waxa miiska u saaran in jaamacadda carabta laga baxo, waxa miiska u saaran in aan millatari soomaaliyeed la dhisin, waxa miiska u saaran xeeb xeebaha ka mid ah illaa jid xeebahaas kasoo baxa in loo sameeyo Itoobiya oo ay iyadu leedahay, intaas oo KiloMeter in laga soo qaado Cadalle baddaas cadalle iyo Corderka Itoobiya gala in ay iyagu yeeshaan ayaa Miiska saaran,.’’ Ayuu yidhi Maxamuud Axmed Nuur ‘Tarsan’, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa magaalada Muqdisho.
Halkan Hoose SoundCloud kaga dhagayso Codka Tarsan
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland