Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Laabtay Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Madaxweyne Xassan Sheekh
Muqdisho,26sep,2015(QJ/SDN)-War ka soo baxay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la laalay mooshinkii ka dhanka ahaa madaxwaynaha dalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.
Mooshinka ayay horay ugu soo gudbiyeen baarlamaanka xildhibaanno sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u soo jeedinayaan eedo dhowr ah.
Warka ayaa lagu sheegay in xalka la gaadhay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ee mooshinka soo jeediyay ay ogolaadeen wadahadalka lala yeeshay kadib markii ay kulmeen dhinacyadii uu khuseeyey mooshinka.
Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in la isugu yeedhay dhamaan xubnaha xukuumadda iyo baarlamaanka kulan ka dhici doona baarlamaanka, maalinta Arbacada ee 7-da bisha October, 2015.
Si kastaba ha ha ahaatee ma ahan markii koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya mooshin xil ka qaadis ah ka keenaan madaxweyne Xassan Sheekh, balse waxa jirtay marar hore oo sidan oo kale uga laabteen mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka keeneen baarlamaanku madaxweynaha.
Halkan Hoose Ka Akhriso Warka Kasoo Baxay Baarlamaanka Soomaaliya:
QJ/SDN: Muqdisho