Baarlamaanka Soomaaliya oo Gudi gaar ah u saaray Heshiiskii maamul goboleedyada iyo Dowlada dhexe DHAGAYSO
Muqdisho 08.May 2016 (SDN/QJ):- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudi gaar ah u saaray Heshiiskii Dhawaan magaalada Muqdisho ay ku gaareen Maamul Goboleedyada Dalka iyo Dowlada dhexe Soomaaliya.
Heshiiskii ay wadagaareen maamul gobaleedyada Dalka iyo dowlada faradaraalka ayaa waxaa la horgeysay Baarlamaanka si ay u Ansixiyaan heshiiskii Muqdisho.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta badan heshiisyada ay gaaraan maamul gobaleedyada iyo dowlada Soomaaliya Fikirkooda ka dhiibtaan.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan Baalramaamka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Heshiiskaas ay Gudiga loo saaray oo Baarlamaanka Dhexdiisa ah wax badan ka badali doonaan si uu Sharci u noqdo.