|

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka

Muqdiaho November 23, 2024(QJ) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u ansixiyay sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennada labada Aqal.

Mahdi Maxamed Guuleed Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan soo diyaarinta sharciga doorashooyinka ayaa ugu horeyn Xildhibaanada la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee sharciga doorashooyinka Qaranka.

Intaa ka dib, Xildhibaanada labada Aqal ayaa u codeeyay xeerkan, waxaana ogolaatay 169 mudane, labo mudane ayaa diiday, hal mudanena wuu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo hadal kooban ka jeediyay kalfadhiga ayaa u mahad celiyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u meel mariyeen sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Comments are closed