|

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeerka Doorashooyinka

Muqdisho November 16, 2024(QJ)-Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada jir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxa ay ku ansixiyeen sharciga dhismaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha.

Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay sharcigan, iyadoo 173 mudane ay ogolaadeen in la ansixiyo. Ma jirin codad diiday ama diiday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaa ka dib ku dhawaaqay in sharcigan uu yahay mid ansax ah, inkastoo xubno gaar ah ay ka soo horjeesteen.

Waajibaadka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha waa in ay sugaan madax banaanida guddiga iyo gudashada waajibaadkooda shaqo. Guddigan ayaa u xilsaaran hirgelinta doorashooyinka heerar kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qabashada afti dadweyne, iyo qeexidda xuduudaha dalka, si waafaqsan siyaasadda iyo shuruucda dalka.

Comments are closed