|

Baarlamaanka Qabyada ah eeSoomaaliya oo maanta dooranaya Madaxweyne!

Muqdisho Aug 20,2012(SDN)-Baarlamaanka cusub e Soomaaliya oo aan weli xubnihiisa la dhameystirin ayaa lagu wadaa maanta in uu yeesho kulankiisii u horeeyay oo uu ku dooranayo madaxweyne cusub.

Guddidii loo xilsaaray soo xulida xildhibaanada cusub oo tiradoodu ay aheyd in ay noqdaan 275 ayaa ilaa iyo haatan soo gudbiyay uun 215 xubnood.

Xildhibaanada ayaa qaba in ay haatan ka kooban yihiin tiradii sharciga aheyd ee qabsan kareysay kulamada baarlamaanka.

Beesha caalamka oo ay horboodayaan Mareykanka iyo reer Yurub ayaa aad u soo dhaweeyey in Soomaaliya ay ka baxeyso xiliga ku meel gaadhka ah.

“Gunaanadka xiliga kala guurka waxa uu Soomaaliya ay u abuuri doontaa dawlad sal balaaran oo loo dhan yahay”.ayaa lagu yiri qoraal ay reer Galbeedku shalay soo saareen.

“In kasta oo Baarlamaanka la soo xulay oo aan la dooran hadana waa in ay ka koraan habdhaqankoodii hore ee musuqmaasuqa iyo dagaal oogenimada”ayay qoraalka ku yidhaahdeen reer Galbeedku.

Musharixiinta xilka dalka u sareeya waxa ku tartamaya madaxweynaha haatan xilka haya,raiisul wasaaraha,guddoomiyaha baarlamaanka iyo raiisul wasaareyaal,hore wasiiro hore iyo aqoonyahano.

Madaxdhaqameed Soomaaliyeed ayaa dhawaan ansixiyay dastuur cusub isla markaana soo xulay xildhibaanada.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed