|

Baarlamaanka Puntland oo dib u riixay meel marinta xeerka Miisaaniyadda 2014-ka

Baarlamaanka-Puntland1Garoowe:  27-july-2013 (SDN)- Mudanayaasha Aqalka wakiilada Puntland ayaa maanta ka dooday xeerka miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014ka, kaasoo la qorsheeyay in maalinta barri ah si rasmi ah Dooddiisa loo gudo galo.

 

Xildhibaanada ayaa isla soo qaatay sida la isku waafajin karo dakhliga dawladdu ay canshuurta ku qaaddo iyo qiimaha lacageed ee mushahar ahaan loo siiyo shaqaalaha.

 

Xeerkan ayaa meel marintiisa la dadajinayaa maadaamaa uu waqti yari u hadhsan yahay baarlamaankan ayna u yaallaan xeerar badani oo ansixintooda iyo celintoodaba laga sugayo.

 

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in mudanayaashu ay barri isugu yimaadaan doodda xeerkani.

Xeerkan miisaaniyadda ayaa ah mid ay si weyn dawladdu il gaar ah ugu eegayso, maadaama ay hawlo badani kaga xidhan yihiin.

 

Somalidiasporanews.com

Garoowe office.

Comments are closed