Baarlamaanka Pakistan oo Cod aqlabiyad ah Ku ansixiyey Raysal Wasaaraha Cusub ee dalkaasi oo bedeli doona Raysal Wasaarihii is Casilay
Karachi 02. August 2017 (SDN/QJ):- Baarlamaanka Dalka Pakistaan ayaa Cod aqlabiyad ah ugu Doortay inuu noqdo Raysal wasaaraha Cusub ee ku Meel gaadhka ah ee dalkaasi yeelanayo Siyaasiga lagu magacaabo Shahiid Khaafaan Cabaasi kaas oo bedelaya Raysal wasaarihii is casilay ee Nawaad Shariif.
Shahid Khaafaan cabbaasi oo 58 jir ah waxa uu helay 221 cod, halka musharaxii ku xigayna uu helay 47 cod oo keliya.
Gudoomiyaha baarlamaanka ee Pakistan Sardaa saadiq ayaa saxaafada la hadlay doorashada ka bacdi waxana uu sheegay in Cabbaasi uu helay 221 cod oo ka mid ah 342 kursi ee uu ka kooban yahay Baarlamaankaasi.
Natiijada Baarlamaanka waxaa loo gudbin doonaa madaxweyne mamuun Xuseeni, intaa ka bacdina waxaa loo dhaarin doonaa Jagada raysalwasaaraha, waxana uu soo dhisi doonaa Xukuumad cusub, isagoo Mr cabbaasi noqon doona raysalwasaarahii 18-aad ee Dalkaasi yeesho.
Raysal Wasaarihii hore ee Pakistan Nawaad shariif ayaa Todobaadkii tegay iska casilay xilkaasi kadib markii lagu eedeeyay fadeexad dhinaca musuq maasuqa la xidhiidha.