|

Baarlamaanka oo u gogol xaaray qabashada doorasho Qof iyo Cod ah

Muqdisho November 11, 2024(QJ)-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wada jir ah, waxaana ay qaadeen tallaabo diyaargarow ah oo ku aadan sidii doorasho hal qof iyo hal cod ah ay u dhici lahayd.

Xildhibaanada ayaa ansixiyay habraaca kulammada wadajirka ah ee looga baahan yahay inay ansixiyaan saddex hindise sharciyeed oo muhiim ah. Hindise-sharciyeedyadan ayaa muhiim u ah guddiga isku dhafka ah ee ku meel gaarka ah ee labada Aqal, kaas oo u xilsaaran diyaarinta shuruucda doorashada, xeerarka xisbiyada siyaasadda, sharciga dhismaha guddiyada doorashada, xuduudaha iyo kuwa la xiriira.

Hab-raacan ayaa waxaa fadhiga wadajirka ah horgeeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, waxaana ansixiyay 170 mudane, iyadoo aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.

Tallaabadan ay qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saldhig u ah doorashada hal qof iyo cod ah oo ay dowladdu dooneyso inay ku dhaqangeliso, inkastoo ay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo si weyn uga soo horjeeda.

Comments are closed