Mooshin ay Baarlamaanka Somalia ku Laaleen Wax ka bedelka guddoomiyeyaasha guddi Hoosaadyadooda
Muqdisho 24.Dec 2013 (SDN)- Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta laalay in farqad cusub lagu kordhiyo xeer-hoosaadka baarlamaanka, kaasoo ku saabsanaa mooshin ka dhan ah guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Professor Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in 133 xildhibaan oo codeysay ay mooshinka diidday 88 xildhibaan, halka 21 ay oggolaatay, waxaana ka aamusay 24 mudane.
Diidmada xildhibaannada ayaa ka dhigan inaan mooshin laga keeni karin guddoomiyeyaasha guddiga baarlamaanka, sida uu qabo qodobka 84-aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com