|

Baarlamaanka Masar oo baaraya cida dalkaas ka saartay ajaanib eedo loo heystay

Qahira Mar 03,2012(SDN)-Baarlamanka dalka Masaarida ayaa Maanta Su’aalo weydiinaya saraakiishii u ogolaatay inay wadankaasi ka baxaan dad ajaanib ah oo ku eedaysan inay khalkhal galinayeen nabadgalyada iyo xasiloonida dalkaasi.

Dadkan ajinabiga ah oo tiradoodu tahay todoba iyo toban qof una dhashay Wadanka Maraykanka waxa ay hawl wadeeno ka ahaayeen hay’ado ka dhisan dalka Masar oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadamaha iyo hirgelinta dimuquraadiyada .

Ciidamada amaanka ee dalkaasi ayaa ku eedeeyay xubnahan ajaanibka ah kuwo ku hawlanaa sidii ay u khal khal gelin lahaayeen Nabadgalyada Masar iyagoo ku doodaya inay lacago siin jireen dadka Shicibka ah si ay u sii wadaan banaan baxyo lagu diidan yahay golaha Milaterigu u sameeyay hogaaminta wadankaas.

Dhinaca kale Maamulka dalka Maraykanka ayaa in badan dalbanayay in la sii daayo muwaadiniintiisa ku xidhnaa Masar kuna hanjabi jiray inay joojin doonaan gargaarka iyo taakulada uu siiyo dalka Masar oo gaadhaya sanadkii ilaa sadex bilyan oo dollar .

Geesta kale Afhayeenka Baarlamanka Masar ayaa sheegay in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo sababta ay eedaysanayaashani dalka uga baxeen iyo cida u fududaysayba.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed