Baarlamaanka Maamulka Gal-mudug Oo Si Weyn Uga Horyimi Xukuumadda Uu Madaxweyne Guuleed Dhawaan ku Dhawaaqay Iyo Sababaha Ay Cuskadeen
Cadaado:Aug,30,2015(SDN/QJ)-Xubnaha Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug, ayaa muujiyey sida ay uga soo horjeedaan Xukuumadda uu Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed dhawaan ku dhawaaqay, iyadoo daliishanaya sababo dhawr ah.
Xildhibaan Cumar Maxamuud Mahad-Alle oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inuu khiyaano qaran ku kacay Madaxweyne C/Kariin Xuseen Guuleed, isagoona sheegay in magaalada uu heshiiskii labaad kula saxiixday Ahlu Sunna iyadoo hore loola heshiiyay.
Waxaa kale oo uu sheegay xildhibaankaan inay sameysteen kudlan ka kooban 30-Mudane oo iyagu abaabulaya mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne C/Kariin.
Dhinaca kale Xildhibaan Cumar ayaa sheegay in tirada Golaha Wasiirada ah ee la magacaabay aanu xamili karin maamulka Galmudug, isagoona sheegay in Madaxweynuhu uu ku kacay tallaabooyin lid ku ah dastuurka Galmudug.
Tan iyo markii dowladda Federaalka ay gobolada dhexe ka hirgelisay maamulka Galmudug ayaa soo marayay marxalado kala duwan kuwaasi oo khilaafyo miiran ahaa, ayaa hadana arrintani waxaa laga cabsi qabaa in xukuumadda cusub ay ku weyso codka kalsoonida.
SDN/QJ