Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland oo maanta meelmariyay xeerka Saxaafada oo Waajibinaya In La Diiwaangeliyo Kaadhna la Siiyo Suxufi kasta
Garowe 06. December 2016 (SDN/QJ):-Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta meelmariyay xeerka warbaahinta Puntland oo ay dhawaan baarlamaanka hordhigtay wasaaradda warfaafinta.
32 mudane ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey xeerka saxaafadda,Waxaana xeerka la meel-mariyey xilli uu taagnaa muran u dhexeeya weriyaasha iyo wasaaradda, kaas oo intiisa badan salka ku hayey xeerka saxaafadda.
Guddiga shuruucda baarlamanka Puntland ayaa xeerka gacanta ku hayey si ay dib u eegis ugu sameeyaan, sidoo kale xildhibaanada ayaa nuqulo la siiyey si ay u soo akhriyaan.
In kastoo xeerka su’aalo laga weydiiyey guddiga u xil saarnaa haddana baarlamanka ayaa si buuxda u ansixiyey, waxaana codka gacanta taaga ogolaaday kala bar in ka badan xildhibaanadii fadhiga joogay.
Guddoomiyaha gudoomiye kuxigeenka labaad Baarlamaanka puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta loo qaaday xeerka, wuxuuna sheegay in kulanka oo ay soo xaadireen 37 xildhibaan ay 32 gacan-taag ugu codeysay, hal xildhibaanna uu diiday, halka 4 kale ay ka aamuseen.
Dhanka kale, Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa soo dhaweeyey ansixinta xeerka saxaafada puntland oo in mudo ah oo ka taagnaa muran u dhexeeya ururka warbaahinta puntland iyo wasaaradda warfaafinta.
Qodobka ugu weyn ee muranku ka taagnaa ayaa ahaa cida bixinaysa kaarka aqoonsiga wariyaha waxaana lagu ansixiyey xeerka inay bixiyaan guddiga warbaahinta puntland oo isugu jira qareeno,aqoonyahano,ururada bulshada rayidka ah,mulkiilayaasha warbaahinta,ururka warbaahinta puntland,xukuumada iyo warbaahinta dowladda.
Gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntland Faysal Khaliif Bare ayaa sheegay in xeerkaan uu ogolaanayo in warbaahinta oo dhan laga qaadi doono Imtixaan,iyadoo barwaahinada loogu tagi doono xurumohooda islamarkaana cidii ku soo baxda Imtixaanka la siin doono kaarka aqoonsiga sidookalena tababaro la siin doono cida imtixaanka ku dhacda.