|

Baarlamaanka Jubaland oo dib u doortay guddoomiyahoodii

Muqdisho November 21, 2024(QJ) – Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa goor dhoweyd magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ku doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho natiijadeeda horay loo sii ogaa.

Labo musharrax ayaa u tartamay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland oo kala ahaa Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo xilkan horay u soo qabtay iyo musharax kale oo lagu magacaabo Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Keeroy.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 65 cod, halka Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Keeroy uu helay 7 cod oo kaliya, waxaana xumaaday labo cod.

Waa markii saddexaad ee Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan loo doorto guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland, xilkaas oo uu soo hayay in ka badan 10 sano, waxay ku soo beegantay xilli uu madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

25-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubaland. Sida la wada sugayo, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa inuu ku guuleysto.

Comments are closed