|

Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday inay ka shiraan mooshin ka dhan ah Madaxweyne C.Kariin Guuleed DHAGAYSO

Cadaado 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa loo diiday in ku shiraan xaruntooda Cadaado, kadib markii ciidamada maamulkaasi ay is-hortaag ku sameeyeen.

 

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, ayaa sheegay  in Xildhibaanada ay maanta ka doodi lahaayeen Mooshin ka dhan ah madaxweyne mamaulkaasi C/kariim Xuseen Guuleed.

 

“Ciidmada ilaalada Madaxtooyada oo ka amar qaadanaya Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa u diiday Xildhibaanada inay shiraan,” ayuu yiri Xareed.

 

Wuxuu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey uu mas’uul ka yahay is-hortaaga Kulamada Baarlamaanka Galmudug, ee lagula xisaabtamayo Madaxweyne C/kariim Guled.

 

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku jiraan Fasax la siiyay Labo bilood kahor, islamarkaana aysan qaban karin Kulamadooda caadiga ah.

 

Laakiin, Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, ayaa ku doodaya inuu dhamaaday Fasaxooda.

 

Wararka ayaa sheegaya in C/kariim Xuseen Guuleed, uu ku mashquulsan yahay Ololaha Doorashada Somalia,  waxaana uu mudo dheer ka maqan yahay xafiiska maamulkiisa Galmudug ee Cadaado.

 

Comments are closed