|

Baarlamaanka Federalka oo ansixiyay miisaaniyada 2025ka

Muqdisho November 04, 2024(QJ)-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhigoodii shanaad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka. Kalfadhigan oo ay shir guddoominaysay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeennada labada aqal ee baarlamaanka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta qoondada Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025-ka, waxaana golaha horgeeyay guddiga wadajirka ah ee maaliyadda. Akhrinta Saddexaad ee Miisaaniyadda 2025-ka ayaa waxaa Xildhibaanada la wadaagay Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox) oo ah Xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Qorsheynta, iyo La-socodka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.

Intaasi kadib Xildhibaanada labada Aqal ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Miisaaniyada Dowladda ee sanadka 2025-ka. Waxa ogolaaday miisaaniyada 172 mudane, waxaana diiday 2 mudane, halka uu ka aamusay 1 mudane.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, iyo Dabagalka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay Xildhibaanada. Labada aqal ee Baarlamaanka si ay u ansixiyaan Miisaaniyadda 2025-ka.

Comments are closed